Rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Gedo

0

(Baardheere) 01 Jan 2019 – Saraakiisha Ciidamada xooga dalka ee ku sugan Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa faahfaahin ka bixiyay rag lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen ururka Al-Shabaab oo lagu toogtay gudaha Magaalada Baardheere.

Saraakiisha ayaa sheegay in nolosha lagu qabtay xubnaha ka tirsanaa sida la sheegay Al-Shabaab kadina ciidamadu toogteen iyadoon wax maxkamad ah la marsiin.

Waxaa ay sheegeen saraakiil u hadashay ciidamada dowladda inay fulinayeen amar dhawaan ka soo baxay taliska Ciidamada xoogga dalka oo ku baaqay in nolosha lagu toogto cid walba oo ka tirsan Al-Shabaab oo la qabto.

Faarax Maxamed Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee Miltariga Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in ay fulinayaan go’aankii  dhawaan ka soo  baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,.

Hadalsame Media