Xaaska Nainggolan oo ka hadashay arrin halis ah oo soo wajahdey!

0

(Milano) 26 Dis 2018 – Xaaska laacibka khadka dhexe ee Inter ee Radja Nainggolan ayaa ku doodaysa in iyada iyo gabadheeda yari ay baraha bulshada kala kulmeen wax ay ku tibaaxday ”hanjabaado laga yaqyaqsoodo”.

Laacibka Nainggolan oo dhowaanahan ay kooxdiisu ciyaaraha ka hakisay ayaa waxaa eeddaas loo saaray kaddib markii uu farriin cod ah oo la helay ku muujiyay inuu doonayo ku noqoshada Roma taasoo ka caraysiisey kooxda Inter.

“Aan sheego hal sheey, tiiyoo ay jirto waxaa oo farriimo aflagaaddo iyo hanjabaado ah oo soo gaaraya degelkayga,” ayay ku bilowday war ay Claudia Lai soo dhigtay Instagram Story.

“Waxaan ahay Claudia waana akhriyaa wax kasta oo aad iisoo qortaan. Marka la eego hanjabaadaha ku jeeda aniga iyo gabadhayda, runtii waa wax yaqyaqsi leh!” ayay raacisay.

Hadalsame Media