Maxaa kala haysta Geel-jire & hannaanka siyaasadeed ee Somalia? (Qormo xiise badan)

0
Somali nomads walking with camel, somalia

(Hadalsame) 24 Dis 2018 – Soomaaliya waxaa burburkeeda lagu eedayn karaa dhaqanka geeeleeyda, dhaqankaas oo markasta aan waxba dhisin sida ku cad taariikhda dhaqanka Soomaalida. Dadka geela dhaqdaa waxay ku jiraan dagaal joogto ah mid cimilo iyo mid amaan, qofka geel jiraha ah wuxuu ku khasban yahay dagaal joogto ah, waayo geela aad baa loo kala dhacaa, taasoo cimilada uu ku nool yahay awgeed ka dhigeeysa inuu markasta difaac ama weerar ku jiro, waana Indho adag yahay dabaqadaha kale ee dhaqamada kale ka yimaada.

Halka dadka beeraleeyda iyo xeebaha degaa ay yihiin kuwa nabad ku nool oo leh degaan aan guuris u baahnayn, waxaan ognahay in ilbaxnimaddu ay ka timaado badaha kaddibna ay gaarto beeraleeyda. Hadaad dib u eegto taariikhda dalka Soomaaliya, waxaa xadaaradda ay maanta Soomaaliya ku faani karto dhisay dadka aanan ahayn geelleeyda. Nasiib darro, xadaaradaas kumaanka kun la dhisaayay waxaa burburshay geelleeyda.

Reerka aan ka dhashay waxay leeyihiin kaluumaysato, beeraleey iyo xoolo dhaqato, kuwa naga midka ah ee geelleeyda ah waxay ka dhib badan yihiin kuwa kale. Gumeeystihii Talyaanigu wuxuu xukunka dalka u dhiibay geelleeyda, asagoo is tusay inuu wuxuu doono ka heli karo, maadaama aysan aqoon u lahayn siyaasadda, isla markaana ahayn dad dabci ahaan deggan.

Waxaa kaloo nasiib darro ah inay caayaan qofka beeraleeyda ah, waxay cayaan qofka dharka sameeya, waxay cayaan midka biraha tuma, waxay caayaan midka kabaha tola. Midka ka yimaada dhaqankaas geelleeyda oo caayaaya farsamada ay dadka ku hor mareen, ma haasto dhar uu xirto, waa kaba cad yahay oo wax uu samaynsan karo ma jirto oo aanan ahayn inuu tiisa kaliya ku mashquulo iyo indho adeeg.

Dhaqanka geelleeydu waa midka qarankii Soomaaliya ka dhigay mid aan ku taagnayn siyaasad adag iyo dan guud, sidii geela loo kala dhici jiray bay doonayaan in siyaasadda iyo masiirka dalka qofba qofka uu ka xoog badan yahay loo kala dhaco. Taasina waxay dalka gayaysiisey xiisad iyo xasarad ma dhamaato ah iyo ciifo qabyaaladeed oo la waafajiyay siyaasad u baahan caqli, cilmi iyo faham caalami ah.

Dhaqanka geelleeydu wuxuu burburshay qarankii Soomaaliyeed, wuxuu burburshay xadaaradihii soo jirey kumaan kun sano, inta ay wax ka baran lahaayeen dhaqankoodi xadaarada ku dhisnaa waxay door bideen inay dhaqan Carbeed oo ay dano yar ka helayaan Soomaaliya usoo min guuriyaan oo koodii wanaagsanaana burburshaan.

Hadaba dhaqan noocaas ah iyo qananimo ma is waafaqi karaan?

Waxaan ka afeefanayaa in arinkaan loo arag qabiil, waayo reerka aan magacooda wato, waxay dhaqdaan geela ugu waaweyn uguna quruxda badan Soomaaliya, taas awgeed waxaan ka hadlayaa waa dhaqan ku saleeysan dagaal oo aan nabadda iyo xadaarada aan ku fiicnayn oo misna aaminsan in dhaqankiisu yahay kan ugu fiican.

”Akhiro nimaan geel lahayn lama amaanayn!”

Waxaa jirta mahmaah kabkab ah oo tiraahda “ kuli fidna cinda geel” waayo qof aan degganayn ma xadaarad buu yeelan karaa? Taas beddelkeeda xadaaradiba waxba uguma fadhiso. Hadaba yaa laga doonayaa dhismaha waxa ay burburinayaan iyo baaba’a ay aragtida geel jiruhu u horseedday qaranka Soomaaliyeed?

Waxaa Qoray: Sheek Nuur A Qaasim

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu xambaarsan yahay fikradda qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media