DAAWO: Bad-gariirkii Indonesia oo qaaday dad si TOOS ah u daawanaya bandhig muusig ah + Sawirro

0

(Java) 23 Dis 2018 – Waxaa soo baxaya muuqaal naxdin leh oo laga qabtay bandhig toos ahaa oo ay qabanayeen kooxda ‘Seventeen,’ xilli ay isla masraxii iyo goobtii shoowga ay soo dhex gelayaan biyihii sunaamiga (tsunami).

Halkan ka AKHRI xogo dheeraad ah…

Waxaa la sheegay inuu geeriyoodey ninkii bayska u garaacayay kooxda iyo maamulihii, dhowr xubnood oo kalena ay maqan yihiin oo weli raqdooda la la’yahay.

Muuqaalkan oo soconaya wax ka yar daqiiqad ayaa muujinaya daawato ku baashaalayay xeebta Tanjung Lesung Beach Resort oo ku taalla Galbeedka Java, oo soo eegaysa buurta foolkaanaha Krakatoa oo awal hurdaysnaa balse mar qura kacay kaddibna dhaliyay moowjado xooggan oo xeebtii xaaqay.

Geerida ayaa haatan guud ahaan mareeysa in ka badan 222 qofood, iyadoo ay jiraan tobannaan kale oo war iyo wacaal weli laga haynin.

Sida uu foolkaanuhu u sababo Bad-gariirka

Hadalsame Media