BAARE LA BAARAY: Maamulkii Milan oo ku dhaqaaqay tillaabo la yaab leh!

0

(Milano) 23 Dis 2018 – Maamulkii hore ee AC Milan ayaa la sheegayaa inay dabagal ku sameeyeem weriyeyaal dhowr ah, isla markaana ay baaritaan ku sameeyeen howlwadeenno ka tirsan kooxda, isla markaana ay dhilqe ka buufiyeen xafiisyada kooxda, intii uu kooxda lahaa Yonghong Li.

Sida uu qoray La Repubblica, bilihii ugu dambeeyay xukunkiisii gaabnaa waxay ahaayeeen kuwo ay ka buuxdo qoonsi uu ka qabey in xogihiisa loo dusiyo warfaafinta. Waxay arrintani doo daahirtay kaddib markii uu Marco Fassone ku dooday in sharci darro lagu eryey ee uu dacwo furtay.

Maamulka Milan ayaa la sheegay inay ijaaratey adeegga hay’adda sameeysa dabagalka gaarka ah ee Carpinvest srl si ay u daba gasho 4 weriye: Enrico Currò iyo Luca Pagni oo ka tirsan La Repubblica, Carlo Festa oo u shaqeeya Il Sole 24 Ore iyo Tobia De Stefano oo wax u qora Libero.

Waxay arrintaasi u muuqatey tillaabo qaali ah, iyadoo ay weliba milkiilayaasha cusub ee Elliott Management Corporation, oo kooxda kala wareegey Yonghong Li oo qaamohooda bixin waayay, ay ku jahawareereen biil loosoo dirsaday oo ay ku dhignayd €80,000 oo doollar oo ay ka doonaysay Carpinvest.

Dabagalka weriyeyaasha ayaa soconayay min Febraayo 19 ilaa Maarso 2, waxaana ku lug lahaa 4 baare iyo 2 gaari, mana ahayn tillaabada qura ee la yaab lahayd ee uu qaaday maamulkii booca ku taagnaa ee Yonghong Li.

Wuxuu kaloo naadigu ku dhaqaaqay in la baaro laptops-ka, tablets-ka iyo telefoonnada (smartphones) ee howlwadeenna Rossoneri, iyadoo weliba sharikadda Telecom Italia la waydiistey xogaha wixii ay ku hadleen afar kala ah: Agata Frigerio, Giuseppe Mangiarano, Giovanna Zian iyo Angela Zucca.

Intii kuma harine, wuxuu maamulkii hore ijaartey sharikad dhan oo dhilqaha ka buufisa xafiisyada Milan.

Hadalsame Media