Yaa ugu cadcad macallimiinta u sharraxan xilka Man United?

0

(Manchester) 18 Dis 2018 – Antonio Conte ayaa noqday macallinka safka 3-aad uga jira macallimiinta u sharraxan xilka Manchester United kaddib cayrintii Jose Mourinho, sida ay ku dhawaaqday kooxdaasi.

Michael Carrick ayaa lagu wadaa inuu si KMG ah kooxda usii layliyo tan iyo dhamaadka fasalkan, balse Sky Bet ayaa rumaysan in Zinedine Zidane uu yahay macallinka ugu cad cad.

Waxaa uu kaalinta 2-aad gelinayaa laacibkii hore ee Man U ee Nicky Butt ha yeeshee waa dookh caato ah oo waxaa jira Mauricio Bucchetino, halka uu macallinka kaalinta 3-aad fadhiya ka dhigayo Antonio Conte oo beri dhowayd Julen Lopetegui ka bedeli lahaa Real Madrid, ka hor inta aysan xal guri ka dhiganin Santiago Solari.

Macallinkan 49-jirka ah ayaa hal arrin horay ugu guulaystey waana inuu soo nooleeyay waayaha ciyaareed  ee Paul Pogba oo ay Juve meel cidlo ah ka heshay jeer uu ku faloobay Man United.

Hadalsame Media