Milan oo maxkamad la saaray! (Maxaa dhacay?)

0

(Milano) 18 Dis 2018 – Agaasimihii Guud ee AC Milan ee Marco Fassone ayaa guddoonsadey inuu maxkamad la koro kooxda AC Milan oo uu ku haysto inay u cayrisey si aan gar ahayn.

Fassone ayaa albaabka la tusay bishii Luulyo ee bartamihii sanadkan kaddib markii ay kooxda la wareegtey Elliott Management, oo kooxda ka xoogtey Li Yonghong oo ay qaamo ku lahayd.

Yeelkeede, wakaaladda wararka ANSA ayaa haatan werinaysa in 54-jirkan uu magansaday maxkamadda rafcaanka, taasoo dacwaddiisa berri dhegeysanaysa.

Qarreenka Fassone ee Francesco Rotondi ayaa ku doodaya in cayrinta macmiilkiisu ay ‘aarsi ahayd’ sidaa darteed ay tahay in la baabi’iyo.  Fassone ayaa haddii uu guulaysto magdhow mudan kara.

Hadalsame Media