DAAWO: Japan oo ku dhaqaaqday arrin ay ugu dambaysay Dagaalkii 2-aad + Sawirro

0

(Tokyo) 18 Dis 2018 – Markii ugu horreeysey tan iyo Dagaalkii 2-aad ee dunida, dalka Japan ayaa diyaarsanaya maraakiib kuwa dayuuradaha xambaara ah si ay ula xusliso wax ay ku sheegeen halista sii korreeysa ee kaga imanaysa dhanka Shiinaha oo ay col soo jireen ah yihiin.

Tokyo ayaa dalbanaysa in ka badan 100 dayuuradood oo nooca F-35 ah wax qayb ka ah qorshe ciidamada dalkaasi loogu maalgelinayo $242-bilyan oo doollar.

Japan ayaa miisaaniyad ciidan oo ay Talaadadan meel marisay ku doonaysa inay lacagtan rikoodh jebiska ah ay ku qalabayso ciidamo heer sare ah muddo 5 sano ah ilaa 2024, waxaana qorshahaa ka mid ah laba markab oo kuwa dayuuradaha qaada ah.

Dhismaha maraakiibtan eber lagama soo bilaabayo balse waxaa la maduufikaynayaa laba markab oo ah nooca Izumo-class ee qaada helicopters-ka, kaasoo ah markab 27 kun oo tan ah oo ay ku howlgalaan Ciidamada Badda Japan. 

Hadalsame Media