”Haddii uu Ronaldo laacib wayn yahay ma aha inuu sidan u dhaqmo!” – (Daawo waxa uu sameeyay!)

0

(Torino) 17 Dis 2018 – Milkiilaha Torino jaalle Urbano Cairo ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo ‘aanu u dhaqmin sidii laacib wayn’ kulankii ay Sabtigii 1-0 kooxdiisa uga adkaadee Juve ee Derby della Mole.

Goolka oo rigoore ahaa ayaa waxaa ansixiyay Ronaldo, balse jookarka Juve ayaa goolka kaddib xabadka ku dhuftay goolwalaha Torino ee Salvador Ichazo qaab camirasho ah, kulan uu Cairo ku doodayo in si wayn looga eexday oo laba rigoore laga diidey.

“Laacib wayn sida Ronaldo ma aha inuu marna dhaqankaa ku koco,” ayuu Cairo u sheegay idaacadda Radio Rai.

“Wuxuu ku camirtay goolwale ku dhowaad rigoorihiisa qaban gaarey… Haddii uu laacib wayn yahay waa inuusan u dhaqmin sidan oo kale,” ayuu raacshey.

Hadalsame Media