DAACISH:- “14 xubnood oo ka tirsan ururka AL-SHABAAB ayaan dilnay”. Dagaal dhexmaray Daacish iyo Al-Shabaab!

0

(Qandala) 17 Dis 2018 – Kadib markii ururka Daacish dhawaan soo saaray digniin culus oo ku socotay Ururka Al-Shabaab oo ka tirsan Al-qaacida ayaa waxaa garabka Daacishta ku sugan Soomaaliya ay markii ugu horeysay sheegteen inay dileen dagaalamayaal katirsanaa ururka Al-Shabaab.

Dagaal u dhaceeyay labadaan kooxood ayaa shalay ka dhacay meel u dhow deegaanka Qandala ee gobolka Bari waxayna Daacish sheegtay in Al-Shabaab ay qorsheynayeen inay soo weeraraan fariisin ay ku leeyihiin tuullada la yiraahdo BIR-Mirali.

“Waxaan dilnay 14 ka mid ah iyaga, waxaan dhaawac u gaysanay kuwa kale waxaana ka furanay hub iyo qalab,” ayaa lagu yiri warbixin kooxda Daacish ku faafisay warbaahinteeda, Amaq News Agency.

Warkaan ku saabsan isku dhaca labadaan kooxooda yaysan wali baahin dowladda Soomaaliya iyo waliba warbaahinta maxaliga ah.

Daacish ayaa hore fariin hanjabaad ah ugu dirtay ururka Al-Shabaab oo ay ku eedeysay inay is-hortaagayso dhaqdhaqaaqyadeeda Soomaaliya.

Hadalsame Media