Shacabka Baydhabo oo bilaabay olole lagu nadiifinayo magaalada + Sawirro

0

(Baydhabo) 16 Dis 2018 – Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa haatan caadi kusoo noqonaysa.

Magaalada ayay beryihii yaraa ee dambe ka oognaayeen rabshado ka dhashay qabashadii Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxtinnimada KG oo ay xabsiga dhigeen ciidamada amaanka Somalia.

”Haatan ayay bulshada ku nool magaalada Baydhabo oo hor kacayaan Gudoomiyaasha Xaafadaha Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo waxay qaadeen olole nadaafadeed kaddib mudaharaadyo Socdey labo Maalmood.” ayaa lagu soo qoray bogga Maamulka Degmada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada….

Hadalsame Media