NAQDIN: Sucuudiga oo sameeyay isbahaysi cusub oo aysan Somalia dan muuqataa ugu jirin dhibna u keeni kara! + Sawirro

0

(Hadalsame) 13 Dis 2018 – Dalka Sucuudiga ayaa shalay shir Riyaad ugu qabtay 6 dal oo kulaala Badda Cas kuwaasoo kala ah Masar, Jabuuti, Somalia, Sudan, Yamen iyo Urdun, halkaasoo looga dhawaaqay wax lagu sheegay iskaashiga Dalalka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxaa lagu wadaa in khubaro ay dhinacyadu iska dhex saareen ay ”dhaqse” ugu kulmaan magaalada Qaahira oo ay ku yeelanayaan wada hadallo farsamo.

Laakiin maxay tahay danta ku jirta yaase ku muraad qunsanaya?

“Tillaabadani waxay qayb ka tahay dadaallada Boqortooyadu ku ilaashanayso danaheeda iyo tan dersaanteeda….. een si loo xasiliyo gobolkan aynu ku nool nahay loona abuuro ceeshoow milixnimo dhexmarta dalalkaa kala duwan” ayuu shirka ka sheegay Wasiir Dibadeedka Sucuudiga ee Adel Al-Jubeir oo sidaa ku muujiyay in ay meesha iyaga dani kasoo gashay, taasoo ah in la wiiqo iskaashi ballaaran oo dhexmara dalalka Geeska Afrika oo ay Soomaalida dan wayni ugu jiri karto xasillooni ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Somalia oo ka mid ah dalalka shirka ka qayb galay Sucuudiga kama helin wax gacan qabasho ah oo muuqda mudadii ay burbursanayd tiiyoo uu abid isu suurayn jirey walaal ruuxi ah oo ay Soomaalidu leedahay, balse waxqabad iska daaye wuxuu xitaa diiddan yahay inuu si joogto ah u iibsado waxa qura ee ay mudadaa Soomaalidu dhoofinaysay oo ah xoolaha nool.

Inay dadka Soomaaliyeed si xornimo iyo insaannimo leh uga shaqaystaan dalkaas iyada warkeedba la iskuma soo qaadin.

Waxaa kale oo uu Sucuudigu isbahaysigan u adeegsan karaa inuu indha walleeyo Turkiga oo ah dal naf hurid u sameeyay soo kabashada iyo dowladnimada Somalia, isagoo u adeegaya dalal reer Galbeed ah oo aysan Turkiga isku fiicnayn.

Shirkan ayaa waxaa ka maqnaa dalka Eritrea oo ka mid ah kuwa dhaca Badda Cas iyo Itoobiya oo laacib muhim ah ka ah Geeska Afrika ugu yaraan waqti xaadirkan.

Waxaana loo badinayaa in sidoo kale ay shirkan dabada ka riixayso dowladda Masar oo danteeda ka dhex aragta, isla markaana aan doonaynin isfaham dhexmara dalalka Geeska Afrika oo ay ugu waawayn yihiin Itoobiya iyo Somalia si ay khilaafkooda muddada dheer soo jiitamayay uga faa’iidaysato danteeda istaraatijiga ah ee biyaha Webiga Niil.

Masar si la mid ah Sucuudiga, markii ay Somalia ku burburtay dagaal ay isla iyagu ku qalqaaliyeen wax gurmad ah oo muuqda uma samaynin umana xitaa ololaynin Somalia, balse Soomaalidu waxay TV-yada Masaarida ka ahaayeen wax lagu maadsado oo lagu qoslo (loughing stock).

Badda Cas waxaa laga galaa Marinka Bab Al-Mandeb, waana marin muhim u ah saliidda u kala goosheeysa Yurub, Maraykanka iyo Aasiya, taasoo markale ay danta ugu badani ugu jirto Sucuudiga oo ay danihiisa foowdo ku hayeen maliishiyaadka Xuutiyiinta oo uu dalkooda weeraray.

Ku darsoo Al-Jubeir wuxuu carrabka ku dhuftay in kulankan looga arrinsaday sare u qaadka ganacsiga iyo ilaalinta degaanka, waa arrin kale oo ah ”shimbirayohow heesa” waayo dalalka goobta joogey 60% ganacsi la taaban karo oo ay Sucuudi la leeyihiin ma jiro, degaan iyo bay’ana warkeedaba daa oo dalalka qaar dadkii baa macluul u dhimanaya in degaan lagala hadlana waa dhereg dhacsi iyo meel ka dhac loo gaysanayo damiirkooda.

Tanna ha hilmaamin, Sucuudigu wuxuu ku dhawaaqay inuu mashaariic ballaaran ka fulinayo dalalka ku dahaaran Badda Cas, kaasoo ay ka mid tahay Aag Ganacsi oo uu ku maalgelinayo $500 bilyan oo doollar ama nud Tarilyan oo ay wadaagayaan dalalka Masar, Urdun iyo Sucuudiga oo kharashka bixinaya si loo abuuro goobo dalxiis oo lacag adagi kasoo xarooto.

Marka ay halkaa joogto!

Soomaalidu waa in ay barataa sidii ay u dabaqi lahayd istaraatijad siyaasadeed oo ay danteedu ku jirto, halkii ay abid daba socon lahayd kuwo ay dalal kale degsadeen oo ay teedu ku dhacan tahay, tusaale ahaan, waa in la isu miisaamaa xiriirrada aan lakal yeelanayno dalalka mandiqadda oo aan daneheenna u raacannaa sida uu dal kastaaba yeelayo isagoo aan taada eegayn.

Su’aashu waxay tahay, Somalia maxay shirkaa kasoo xasilisay oo aan ka ahayn saf wanaajin iyo in sidii dhici jirteyba la qabadsiiyo dalalka deriska la ah oo ay danteedu ku jirto inay la heshiiso, ugu yaraan waqti xaadirkan oo aysan jirin siyaasad urursan oo ay Soomaaliyi leedahay?! Waqtigaa sheegi doona.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji oo Xiriirka Caalamiga ah ka barta Jaamacadda Gothenburg University.

Hadalsame Media