Muxuu yahay xeerka Liverpool soo saaray ee Napoli reebay? + Sawirro

0

(Liverpool) 12 Dis 2018 – Liverpool iyo Napoli waxey ka siman yihiin dhibacaha oo min 9 ah. Waxey ka siman yihiin sharciga labaad oo ah head-to-head oo labadoodii kulan waxey ku kala badiyeen min 1-0.

Sharciga seddexaad oo ah goal difference oo ah goolasha ay koox walba dhalisay iyo kuwa laga dhaliyay marka la kala jaro guud ahaan kulamada. Taasna wey ka siman yihiin oo min 2 gool oo nadiif ah ayay leeyihiin.

Sharciga afaraad oo ah goolasha ay koox walba dhalisay oo kaliya oo loo yaqaan goal scored. Liverpool ayaana saas kusoo baxday maadaama ay dhalisay 9 gool halka Napoli ay dhalisay 7 gool.

Qoraalkan waxaa igu kallifay dad badan oo is weydiinaya sababta ay Liveroool kusoo baxday.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Pippo

Hadalsame Media