Mandheera oo markii ugu horeysay lagu qabtay BANDHIG ka turjumaya dhaqanka Soomaalida

0

(Mandhera) 10 Dis 2018 – Guddoomiyaha Mandhera ee gobolka Soomaalidu degto ee waqooyi Bari Kenya Cali Rooba ayaa sheegay inay sharaf wayn u tahay in sanadkaan ay xusaan markii ugu horeysay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Dabaaldega todobaadka dhaqanka Soomaalida ayaa lagu qabtay garoonka kubbada cagta ee Moi.

Daddka deegaanka ayay u tahay markoodii ugu horeysay oo ay dabaaldeg nuucaan ah isugu yimaadaan, waxaana xafladaan looga dan lahaa in la isugu keeno dhamaan bulshooyinka ku hadla afka Soomaaliga ee ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Gobolkan waxaa la dagay dagaalo sokeeye iyadoona dowladda Kenya lagu eedeeyay in ciidamadeedu tacadiyo ba’an ka gaysteen halkaasi.

Yeelkeede waxaa shalay xaaladu ahayd mid ka duwan sidii hore maadama markii ugu horeysay Soomaalida gobolkaasi u dabaaldegtay Hiddaha iyo Dhaqankooda gaarka ah.

Guddoomiye Cali Rooba ayaa ugu baaqay bulshada Soomaalida Midnimo.

Hadalsame Media