DAAWO: ”Halla rido Farmaajo si ay u kala go’aan Somalia & Somaliland!” – Faysal C Waraabe

0

(Hargaysa) 10 Dis 2018 – Gudooomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa taageeray mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Faysal Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu baarlamaanka Soomaaliya ku dhex leeyahay awood oo ay jiraan dad aragtidiisa ku shaqeeya oo ku dhex jira Baarlamanka, iska markaana uu ka shaqeyn doono sidii loo ridi lahaa Madaxweyne Farmaajo.

”Halla taageero mooshinkaa si ay walaalnimo ugu kala baxaan Somalia & Somaliland,” ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa ka badbadiyay isagoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu caqabad ku yahay Somaliland iyo guud ahaanba isirka Soomaaliyeed.

FG: Wixii ka baxsan nidaamka saxaafadda waa wax u gaar ah Faysal.

Halkan Hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media