AS ROMA VS INTER MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Roma) 02 Dis 2018 – Kulanka ugu adag todobaadka 14-aad ee horyaalka Serie A-da Talyaaniga ayaa wuxuu caawa dhexsanayaa labada kooxood ee AS Roma vs Inter Milan oo ku ballansan magaalada Roma.

Dhanka Roma: Di Francesco wuxuu la xaalayaa dhaawacyo kooxdiisa u bedeley isbitaal yar: Waxaa bareellaha saaran De Rossi, Lorenzo Pellegrini, Coric, Dzeko, Karsdorp iyo El Shaarawy. War san baase kasoo yeeraya soo kabashada Pastore iyo Perotti. Weerarka dhexe waxay Giallorossi wax ka dhoowraysaa laacibka leeb dhaca badan ee Schick.

Dhanka Inter: Spalletti kuma tashan doono Radja Nainggolan, kaasoo la hardamaya dhaawac anqowga ah oo kasii daray iyo mid muruqa ah. Yeelkeede, waxaa jug Wembley ku gaartey kasoo kabtay daafaca Stefan De Vrij, halka loo yeerey Vrsaljko. Waxaa boos isku haysta Perisic-Keita.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 83 MIRANTE, 63 FUZATO, 20 FAZIO, 3 LU. PELLEGRINI, 8 PEROTTI, 15 MARCANO, 27 PASTORE, 34 KLUIVERT, 53 RICCARDI, 60 CELAR
  • 27 PADELLI, 46 BERNI, 6 DE VRIJ, 2 VRSALJKO, 13 RANOCCHIA, 20 BORJA VALERO, 5 GAGLIARDINI, 87 CANDREVA, 11 KEITA, 10 LAUTARO MARTINEZ

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • De Rossi, Lo. Pellegrini, Dzeko, El Shaarawy, Coric, Karsdorp
  • Dalbert, Nainggolan

Hadalsame Media