Ninkii dejiyay qorshihii lagu weeraray Hotel Saxafi oo la qabtay, NISA

0

(Muqdisho) 29 Nof 2018 – Sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda; Howlgal qorsheysan oo ciidanka amniga Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay ninkii ka dambeeyay weerarkii dhowaan lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay hey’ada NISA.

Warka ayaa intaa raacinaya qoraal kooban oo la soo dhigay Twitter hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen maskaxdii ka dambeysay weeraradii 9 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

”Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar. Waxaana la horgayn doonaa sharciga.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay Twitter-ka NISA.

Waxaa intaa daba socota  inaan NISA sheegin magaca ninka la qabtay iyo meesha laga soo qabtay, waxayse sheegeen in ay sharciga hor geyn doonaan.


Hadalsame Media