Xaaskiisa oo Xaamilo ah ayuu xabado la dhacay!! Dil naxdin leh oo ka dhacay Magaaladda Jowhar

0
????????????????????????????????????

(Jowhar) 27 Nof 2018 – Magaaladda Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle ayaa la sheegayaa in xalay uu ka dhacay dil fool xun aad looga naxay kadib markii sida la sheegay uu maareeyaha garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar uu xalay toogasho ku diley xaaskiisa oo Uur lahayd.

Dilka ayaa ka dhacay gurri ay ka degenaayeen lamaanuhu xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Magaca marxuumada la dilay waxaa lagu sheegay Jamiilo Sh.Cali Ibraahim oo 32 jir ahayd. Dilka ayaa ka dhashay sida la sheegay muran soo kala dhexgalay lamaanaha taaso ugu dambeyntii galaafatay noloshii Jamiilo.

Sarkaalka ka tirsan Maamulka Hirshabelle ee xaaskiisa qaarajiyay ayaa lagu magacaabaa Cali Dheere waxaana wararku  sheegayaan in markii ay murmeen xaaskiisa uu bastoolad uu lahaa dhowr xabadood ku dhuftay.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay soo qabteen gacan ku dhiiglaha.

Hadalsame Media