”Waxaan ka baqayaa inaan xitaa ka nixi waayo geerida waalidkeey!” – Halloo gurmado damiirka dadka!

0

(Hadalsame) 27 Nof 2018 – Waa galab oo ay goor sheegtadu dul taagan tahay abaare 4 galabnimo, waxaan markaa dhammeeyey war ciyaareed oo aan ku daabacayey mid ka mida Website-yada loogu jecel yahay ciyaaraha oo ku saabsanaa xiddigga Karim Benzema markii uu gurigu ila ruxmay, dhegihiina dhawaqa jugta aan maqlay maqalku iga tegi gaaray- Waa qarax laakiin cid ii xaqiijin karta markaa ma jirto laakiin shaki igama jirin in uu ka dhacay meel ii dhaw oo ay wax ku noqon karaan saaxiibadey.

Halhaleel ayaan u kacay oo aan laacay shaarkii ii saarnaa katabaanka oo aan u soo baxay banaanka si aan war u helo. “Waa dhinaca Hotel Weheliye”, ayuu ii sheegay qof bannaanka guriga taagnaa oo aan garanayo.

Laba daqiiqo wax ka yar ayaan soo gaaray meeshii wax ka dheceen aniga oo ka soo dul tallaabsaday biro jajabay oo mad Madow, kuraas lugba meel taal iyo mayd wiil yar ah oo sujuudda fuqsan tahay.

Dhabtii ma dareemin naxdin waana markii iigu horreeysay aan qof qarax wax ku noqday ama meel uu dhiig ka qoyan yahay si dhiiran ku soo maro. Sababtu waxa ay ahayd aniga oo raadinaya saaxiibadey iyo walaalkey oo ka ag dhawaan karay meesha.

Asxaabtii aan meesha ugu yimi waxa ay ii xaqiijiyeen in dadkii badi badbaadeen balse HEBEL oo xaalkiisu xun yahay loola cararay Cisbitaal Madina, Heblana mid kale. Hebel Alle ha’unaxariisto isla habeenkii ayuu geeriyooday AHN.

Xalay aniga oo meel aan ka fogeyn meeshaas la taagan saaxiib kale ayaan isla soo qaadnay dhacdooyinka xanuunka leh ee dalkeena siiba Caasimadda ka Dhaca, ugu dambeyn waxaan uga sheeekeeyey qisadan oo uu xusuusto, waxaan u raaciyey sxb, aniga waan naxdin gooyey oo waxa ay ii cadaatay galabkaas aan bilaa naxdin ku agmaray wiilkii madaxa qeybta maqneyd.

KA DAROO DIBI DHAL!

Saaxiibkey oo qiireysan ayaa igu jawaabay “Waxaan ka baqayaa in geerida waalidkey aan ka nixi waayo oo ay caadi ila noqoto”.

Sidaa ugama harin oo waxaan u raaciyey haddii Soomaaalida dalka joogt la wada baaro laga helayo WAALI wadamada nabadda ka jirto dadkooda cisbitaallo loo jiifiyo.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media