Raxan shimbiraha Gallayrka ah oo usoo hayaamay Somalia (Halkee ka yimaadeen?)

0

(Muqdisho) 27 Nof 2018 – Sida ay qortay jariiradda The Hindu ee ka soo baxda dalka India, Galaydh farabadan oo hayaan ah ayaa Sabtidii soo gaadhay gudaha Soomaaliya.

Galaydhkan ayaa xilli sanadeed walba ka soo haajira dalalka India, Mangolia iyo China una soo dalaaba dalka Soomaaliya.

Qalab lagaga soo xidhay India ayaa lagu ogaaday in 5-tii bishan uu ka soo socdaalay halkaasi, qaar badanna jidka lagaga soo dilay, Sabtidii 24-kii bishan 1-da duhurnimo ayuu soo gaadhey Xeebaha Soomaaliya.

Gallaydhkan ayaa soo duulayey fogaan-socod dhan 5700km. Illaa haddana lama oga sababta uu sanad walba xilligan oo kale Galaydhkani u yimaaddo dhulkan Udugga.

Sidan oo kale ayaa bishii Maarso ee 2016-kii Maroodi loo bixiyey Morgan oo ku dhashay Soomaaliya, laakiin isaga oo carruur ah u qaxay Kenya uu keligii 20 sano kaddib dib ugu soo haajirey dhulkii uu ku dhashay ee Somalia.

Waxaa Diyaariyay: Cismaan Abokar Dubbe

Hadalsame Media