Dhaxal-sugaha Sucuudiga oo Erdogan ka codsaday inuu la kulmo (Arag jawaabta Erdogan)

0

(Ankara) 27 Nof 2018 – Dhaxal-sugaha Sucuudiga ee Mohammed bin Salman ayaa lagu warramayaa inuu si toos ah uga codsaday madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan inay shir doceed ku yeeshaan kulan madaxeedka G20 ee lagu qabanyo Argentina, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka dalkaasi ee Mevlut Cavusoglu.

“Haa, wuxuu arrintaa Erdogan uga codsaday telefoonka isagoo waydiistey inay isku arki karaan Buenos Aires. Jawaabta Erdogan waxay ahayd ‘Bal aan aragno’,” ayuu Cavusoglu u sheegay maalinlaha Jarmanka ah ee Sueddeutsche Zeitung oo waraysi uu ka qaaday iminka daabacay.

“Waqti xaadirkan ma jirto sabab aan loola kulmin amiirka,” ayuu raaciyay Cavusoglu, iyadoo la ogyahay in laba nin ay isku qardoofeen khaarajintii uu MBS ku ceeboobey ee Jamaal Khashuuqji.

Erdogan iyo MBS ayaa ka wada qayb gelaya kulanka G20 oo ka dhacaya caasimadda Argentinian ee Buenos Aires, 30-ka Nofeembar ilaa 1-da Diseembar.

Hadalsame Media