Dhismaha hey’adaha Dowladda siddeed iyo toban sano kaddib!

0

(Hadalsame) 19 Nof 2018 – Tan iyo soo laabashadii dowladnimada Soomaaliya kadib burburkii dowladdi kacaanka 1991, waxaa dalka soo maray dowladdo kala duwan una badnaa KMG. Muddo 18 sano ah weli waxaan ku jirnaa dhisidda qaab dhismeedka hey’adda Dowladda .

Haddaba waxaa isweydiin mudan ku dhowaad labaatan sano maxay weli u hagaagi la’yihiin qaabdhismeedka hey’adaha dowladda ? maxaa loo arki la’yahay wax soo saarka adeeg hey’adaha dowladda? Su’aalahan iyo su’aalo badan waa kuwa ay isweydiinayaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan .

Qaab dhismeedka hey’adaha oo ah qaabka kala sareynta maamuul ee lagu hogaamiyo hey’adaha, ayadoo ku caddahay waajibaadka shaqo ee masuul kasta uu leeyahay isla markaana fududeyneysa tixraaca masuuliyadda shaqooyinka suurta geli waayo loona helo cid masuuliyaddas iska leh,haddaba ku dhowaad labaatan sano waxaan weli ka gudbi la,nahay caqabadan soo socda.

* Qaab dhismeedka hey’adaha oo aan weli fadhin inta badan masuul kasta ee hey’ad loo magacaabo oo la yimaada qaab dhismeed cusub.

* Masuul kasta oo hey’ad loo magacaabo qorsho cusub oo bilaw ah ayuu la yimaada isaga oo iska hilmaama qorshayaalkii hey’adda ee socday, taas oo dib u dhac ku ah hiigsigii hey’addaas.

* Shaqada oo ku kooban kaliya shirar la iskugu yimaado xog lagu kala qaato oo aan hoos u daadagsaneyn

* Cadaalad darro xagga shaqaalaha ah iyadoo ay heli karaan fursadaha kor loogu qaado shaqaalaha kuwa ka’ag dhaw masuulka markaas he’adda ugu sareeya

Haddaba si looga gudbo caqabadahaas iyo kuwa kale ee badan ee jira waxaa loo baahanyahay in la helo masuuliyiin aragti fog leh kana miro dhalin kara fulinta ujeedooyinka hey’adaha dowladdu ku dhisanyihiin. Inta badan dadka sheegta inay yihiin siyaasiyiin Soomaaliya waxay siyaasadda u galaan inay ka shuqeystaan muqaabil inay helaan sunuud jeebkooda gasha. Taas oo sababta in dantiisa gaarka ah uu ka hormariyo danta guud ee qaranka.

Siyaasaddu mahan meel laga shaqeysto oo laga sameeyo dhaqaale balaaran. Siyaasigu waa inuu ku yimaadda isaga oo leh hadaf ah inuu wax ka beddelo caqabadaha jiraa oo uu aaminsanyahay inuu wax ka beddeli karo dalka iyo dadkana wax tar u leh ,tusaale ahaan tayada adeega caafimaadka oo liidata guud ahaan dalka ayuu u arkay inuu wax ka beddeli karo haddi uu wasiirka caafimaadka dalka noqdo isaga oo kaashanaaya masuuliyiinta ka

hoos shaqeyneysa heer gobol,degmo & tuulo inuu horumarin karo adeegas, isla markaana uusan laheyn ujeeddo ah inuu dhaqaalo ka sameeyo xafiiska inta uu joogo sida dhacda waqtigan hadda jira.

Ugu danbeeyntii waxaan ugu baaqayaa dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa xilalka kala duwan haya iyo dadka raba inay ku biiraan siyaasadda Soomaaliya inay la yimaadaan barnaamij leh ujeeddo cad laguna hormarin karo hey’adda uu hogaaminaayo isla markaana la jaanqaadi karo qorshayaasha u degsan hey’adda si loo sii joogteeyo shaqada. Haddi masuul kasta oo hey’add loo magacaabo uu dhaho howsha kow ayaa laga so bilabaa qaab dhismeedka iyo qorshaha hey’adda shaqadii socotay iyo aragtidii la hiigsanayay meesha waa ka baxayaan waana middaas sababta ku dhowaad labaatan sano ay u hagaagi la’yihiin dhismaha hey’adaha dowladda.

W/Q: Ahmed Sheikh Abdullahi Warsame

Email: Ahmedwc26@gmail.com

Hadalsame Media