Ilhaan Cumar oo sabab u noqonaysa in la bedelo sharci Maraykanka ka shaqaynayay 181-sano!! (Waa maxay?)

0

(Washington, DC) 17 Nof 2018 – Xisbiga Dimoqdraadiga ayaa doonaya inay bedelaan xeer mamnuucaya in koofiyado lala galo qaybta fadhiga si ay boos ugu helaan haweenkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee abid loo doorto Aqalka Koongarayska qaybta Wakiillada — kuwaasoo ay midkood oo ah gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar ay madaxa qamaar saarato.

Hoggaanka Dimoqraadiga ee Aqalkaasi Nancy Pelosi (D-Calif.), ayaa u saartay Jim McGovern (Mass.) iyo gabadha dooran ee Ilhan Omar oo ka socota Minnesota in ay wada diyaariyaan hindise sharciyeedkan oo ay Dimoqraadigu dhaqan gelinayaan marka ay xilalka aqlabiga ah la wareegaan bisha Jannaayo ee sanadka soo aaddan.

Cumar, oo ku dhalatay Somalia balse Maraykanka timid iyadoo qaxooti ah, ayaa xirata madax saar — taasoo ka hor imanaysa xeer soo taagnaa 181-sano oo diidayay in qaybta fadhiga lagu xirto koofi iyo wax kasta oo madaxa la saaro.

Dimoqraadiga oo haatan helay aqlabiyadda Aqalka Wakiillada ayaa hadaba doonaya inay xeerkaa dooriyaan, lamana oga inay ka faa’iidaysan doonaan xubnaha diimaha kale haysta iyo in kale.

Hadalsame Media