DAAWO: Gabre iyo rag kale oo xabsiga loo gelbiyay!

0

(Addis Abeba) 16 Nof 2018 – Gabre Dila oo ka mid ah dadka dembiyada dagaal ka gaystay dalka Somalia oo uu dad badan oo rayid ah ku laayay, gaar ahaan koonfurta Somalia xilliyadii dagaalladii ay Amxaaradu qaybtaa kusoo qaadday ayaa xabsiga loo taxaabay.

Ninkan ayaa Xoghaye Guud ka noqday urur goboleedka IGAD ayaa haatan ku eedaysan inuu ka qayb qaatay colaad laga curiyay gobolka Soomaalida Itoobiya hoos taga iyo inuu sidoo kale hub iskugu dhiibey dhinacyo is diiddan oo isku hayay siyaasadda Somalia.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale baahisay muuqaal ay ku sheegayso inay soo qabatay Yared Zerihun, oo horay guddoomiye xigeen uga noqday NISS, muddo gaabanna ka tirsanaa Booliiska Federaalka Itoobiya, isla markaana ahaa Taliyaha Booliiska min Abiil ilaa Juun 2018.

Ninkan oo la sheegay inuu hoteel ku dhuumaalaysanayay maalmihii dambe kaasoo ku yaalla Dukem ama Dabra Sayd, waxaana la sheegay in markii la qabanay uu u baxsanayay dalkaasi Kenya. Qabqabashadan ayaa ah mid aad u ballaaran oo sii socon doonta.

Hadalsame Media