DAAWO: ”Madaxda dowladdu ha iska daayaan ruwaayadda gobol baa la midaynayaa ee gudaha xal ha u helaan!” – Fiqi

0

(Muqdisho) 15 Nof 2018 – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo sheegay in Weerarka Hotel Saxafi uu ahaa Shirqool la rabay in lagu dilo masuuliyiin uu ka mid ahaa.

Xildhibaan Fiqi ayaa si dadban dowladda ugu eedeeyay inay iyadu ka dambayso weerarkaasi, gaar ahaan dhanka habacsanaanta amaanka, fashilka sirdoonka, sida ay tuutaha iyo hubka dowladda ku heleen iyo dowladda oo uu sheegay inaysan ilaa haatan qaadin wax tillaabo ah oo ku aaddan kaalmada dadkii ku waxyeelloobey weerarkaasi.

Fiqi ayaa dowladda usoo jeediyay inay dalka diiradda saaraan oo ay xalliyaan dhibaatooyinka maxalliga ah ka hor inta aysan ku mashquulin is dhexgal heer gobol ah.

”Waxaan dowladda usoo jeedinayaa inay ka baxaan riwaayadda gobol baa la mideeynayaa, balse lasoo celiyo dagaalkii lagu hayey Al Shabaab.” ayuu yiri Fiqi.

Hadalsame Media