SAWIRRO: Baarlamaanka oo meel mariyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda

0

(Muqdisho) 14 Nov 2018 – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka kadib qaraar ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda Baarlamaanka iyo wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday ayaa Dhageysi iyo dood dheer kadib codbixinta Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa u dhacday sidaan.

153 xildhibaan ayaa ogalaatay Miisaaniyadda, 2 mudane wey diideen iyadoona 3 kale ay ka aamuseen.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka meel marinta dib u eegista Miisaaniyadda Dalka oo lacag dhan $22.5 Milyan ay ku korortay waxaana $17 milyan oo ka mid ah lacagtaasi korortayna loo wareejin doonaa Ciidamada qalabka sida si mushaarkooda loo bixiyo looguna kordhiyo.

Hadalsame Media