Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho

0

(Muqdisho) 14 Nov 2018 – Hay’dda nabadsigida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubin sare oo ka tirsan ururka Daacish, faraciisa Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in ciidamada amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ay gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Daacish.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada Dhagar qabahan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee IS maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha.

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA.

Hadalsame Media