SAWIRRO: Shirka Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ka furmay Muqdisho

0

(Muqdisho) 13 Nov 2018 – Wafuud kala duwan oo heer caalami ah ayaa qeybgalaysa shirkaan oo looga hadlayo arrimaha Siyaasadda dhaqaalaha qaranka ee Soomaaliya. Ajandayaasha kulankaan ayaa la sheegay in sidoo kale ay ka mid yihiin geedi socodka mustaqbalka fog ee dhaqaalaha dalka iyadoo Soomaaliya la sheegay inay dib ugu soo laabanayso fagaarayaasha caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaan sida la sheegay soo abaabushay waxaana ka qeybgalaya wufuud ka socotay bulshada caalamka gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya shirkadaha ganacsiga iyo kuwa isgaarsiinta dalka kuwaas oo laga dhagaysan doono doodahooda ku saabsan dhaqaalaha qaranka. Gabogabadii ayaa la filayaa in shirkaan laga soo saaro war-murtiyeed lagu faahfaahinayo waxyaaba diirada lagu saaray.

Hadalsame Media