Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray shirkii hoggaamiyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea (Faahfaahin)

0

(Bahr, Dar, Itoobiya) 10 Nov 2018 – Shirkan oo ahaa kii labaad oo ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda ee gobolka, iyadoo bayaanka si weyn loogu sheegay inay muqadas-tahay Qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Bayaankan ayaa dowladda Soomaaliya lagu amaanay hurumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan ee Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya.

Bayaanka wuxuu si diiran u soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday dalka Eritrea oo kaalin ka qaadan doonta xasiloonida iyo horumarka Gobolka. Bayaanka ayaaney ka muuqan wax gaara iyo heshiisyo rasmi ah oo saddexda dal gaareen hadda, waxaana kaliya lagu soo koobay arrimo guud.

Qodobada shirkan ka soo baxay waxaa kaloo ka mid ah in labada dal ee kala ah Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan madaxbanaanida dhuleed, siyaasadeed iyo badeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale dalalkaas ayaa bogaadiyay horumarka dhinaca amaanka iyo siyaasadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka Soomaaliya

Hogaamiyayaasha ugu dambeyntii ka tacsiyeeyay shacabkii shalay ku dhintay Magaaladda Muqdisho halkaasi oo sadex qarax oo ay ka dambeeysay kooxda Al-Shabaab ka dhaceen.

Hadalsame Media