Diyaaradda Jambojet oo si toos ah ugu kala gooshi doonta Caasimadaha Soomaaliya iyo Burundi

0

(Nairobi) 06 Nov 2018 – Madaxa shirkada duullimaadka Kenya Airways, ninka lagu magacaabo Sebastian Mikosz ayaa maanta sheegay in diyaarad maxali ah oo lagu magacaabo Jambojet ay si dhaqso ah u billaabi doonto duullimaad ay ugu kala gooshi doonto caasimaddaha Muqdisho iyo Bujunbura.

Bujunbura waa caasimadda dalka Burundi oo ka mid ah wadamada barriga Afrika. Qorshahan ayaa qeyb ka ah isballaarin dhanka safarada hawada ah oo shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay dooneyso inay qeyb uga qaadato sare u qaadista gaadiidka cirka.

Sebastian Mikosz ayaa sheegay in qorshahaani uu qeyb weyn ka qaadan doono yareynta qarashaadka ku bixi jiray duullimaadyada casriga ah ee tagaya Soomaaliya, iyadoona sidoo kale la baarinayo adeegyada diyaaradan oo lagu baahin doono guud ahaan gobolka.

Sebastian Mikosz waxaa kale oo uu sheegay in adeegyada maxaliga ah ee diyaaradda Jambojet ay sare u qaadi doonto sumcadda garoonka caalamiga ah ee Kenyatta International Airport.

Dalalka kale ee diyaaradda Jambojet adeegyadeeda gaarsiin doonto waxaa ka mid ah Uganda iyo Zanzibar.

Hadalsame Media