”Ha dhinto Maraykanku!” – Mudaaharaadyo ballaaran oo lagu diiddan yahay cunaqabataynta Iiraan oo ka dhacay dalkaasi + Sawirro

0

(Tehraan) 04 Nof 2018 – Waxaa dhacay dibed bax ballaaran oo ay dhigeen reer Iiraan oo ku qaylinayay “Maraykanku ha dhinto” kaasoo lala eegtay sanad-guurada 41-aad ee kasoo wareegtay maalintii uu Kacaanka Islaamiga ihi qabsaday safaaradda Maraykanka ee Iiraan 1979-kii iyo dib usoo celinta Maraykanka ee cunaqabataynta iiraan gaar ahaan dhanka saliidda iyo tamarta.

Kumannaan arday ah ayaa ka qayb qaadanayay bannaan baxan oo ay dabcan soo agaasintey dowladda dalkaasi laguna qabtay caasimadda Tehraan, waxaana dibex baxa oo toos looga daawanayay TV-ga dowladda lagu gubey calanka xiddigaha iyo diilimaha leh ee Maraykanka iyo doollarka Maraykanka oo lagu sawiray Trump oo ku dhex jira xabsi. Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay Shuclada Xoriyadda New York oo sidii bahal loo sawiray iyo xitaa Mohammed bin Salman oo sidii Shaydaan loo suureeyay.

Arday ay wadaniyadi madax martay ayaa bishii Nofeembar 4, 1979-kii gudaha u galay safaaradda Maraykanka, kaddib markii la ridey Shaahii ay Maraykanku taageerayeen ee Mohammad Reza Pahlavi, iyagoo gudaha safaaradda muddo 444 maalmood ah ku haystey 52 qof oo Maraykan ah, waxaana ilaa muddadaa labada dal ka dhexeeysa cadaawad siyaasadeed.

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in ay malaayiin gaarayaan dadka isu soo baxay oo sidoo kale isugu yimid gobollada dalkaasi Iiraan, iyagoo wacad ku maray inay ka dambeeyaan hoggaanka ruuxiga ah ee dalkaasi Ayatollah Ali Khamenei. Wakaaladda Reuters ma xaqiijin karto tiradaasi.

Hadalsame Media