”Maydka Khashuuqji in la jarjaray ayaa AASHITO lagu milay si aan raad uga harin” – War naxdin leh oo soo kordhay!

0

(Ankara) 03 Nof 2018 – Sarkaal sare oo la taliye u ah madaxwaynaha Turkiga oo la yiraahdo Yasin Aktay, ayaa sheegay in maydkii Jamal Khashoggi la googooyay kaddibna aashito lagu milay, ‘si aanu wax raad ah uga tegin” taasoo ah buu yiri ”maxsuulka qura ee maangalka ah”.

Khashoggi, oo sanadkii dambe mucaarad ku ahaa madaxda Aal Sucuud, ayaa la ogyahay in lagu dhex khaarajiyay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, balse wacaal lagama hayo maydkiisii.

Aktay oo la hadlayay Hurriyet Daily, ayaa se sheegaya in maydka la jarjaray ujeedkuna ahaa in haraaga si sahal ah aashito loogu qaso. “Hadda waxaan aragnaa inaysan kaliya maydkiisa jarjarin, balse ay uumi bixiyeen.” ayuu yiri Aktay.

Warkan ayaa imanaya jeer ay khadiibaddii Khashoggi, Hatice Cengiz, ay madaxda caalamka ka codsatay in cadaaladda la hor keenay dadka qashay Jamaal, taasoo ay dheer tahay qoraallo ay sameeyeen warqaadyo ay ku jiraan The Guardian iyo Washington Post.

Hadalsame Media