RASMI: Beppe Marotta oo ka tegey Juventus (Ma Inter buu u socdaa?)

0

(Torino) 31 Okt 2018 – Beppe Marotta ayaa haatan xor u noqday inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Inter Milan kaddib markii si rasmi ah loo baabi’iyay qandaraaskiisii kooxda Juventus.

War rasmi ah oo kasoo baxay Juve ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray xiriirkii Marotta iyo Aldo Mazzia, ee kooxdaas, wuxuuna 61-jirkani kooxdaas ka heli doonaa €361,775 oo magdhow ah, halka Bianconeri ay Mazzia siinayso €278,000.

Marotta ayaa aad loola xiriirinayaa kooxda Inter Milan, isagoo la sheegay inuu ogolaaday inuu ka barbar shaqeeyo Steven Zhang, balse la arki doonee.

Hadalsame Media