DEG DEG: Ruushka oo ogaadey inuu Maraykanku ka dambeeyay daroon lagu weeraray saldhig Ruushku leeyahay

0

(Moscow) 25 Okt 2018 – Kremlin-ka Ruushka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin warbixin ay soo gudbisey Wasaaradd Gaashaandhigga Ruushka oo sheegaysa in dayuurad nooca basaaska ihi ay ahayd midda gacanta ku haysay dayuurad daroon ah oo lagu weeraray saldhigga ciidamada cirka Ruushku ku leeyihiin Khmeimim ee dalka Suuriya, bishii Jannaayo.

“Tani waa warbixin dareen kicis ah,” ayuu yiri Dmitry Peskov, oo ah afhayeenka Aqalka Kremlin-ka.

Wuxuu sheegay in ciidamada Ruushku ay falanqeeyeen dhamaanba xogaha ay heleen, taasoo kusoo biyo shubatay in weerarkaasi ay ka dambaysay dayuuradda sirdoonka ah ee Maraykanka ee US P-8 Poseidon oo iyadu hagaysay daroonkii saldhigga weeraray bishii Jannaayo.

Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa arrintaa hor dhigaya dhiggiisa Maraykanka ee Donald Trump oo ay ku ballansan yihiin magaalada Paris.

Hadalsame Media