10 sheeko oo sheegaya sharta qoyska reer Sucuud, Khaarajintii Boqor Faysal (Qaybtii 1-aad)

0

(Riyaad) 24 Okt 2018 – Waa xaqiiqo murugo leh, balse boqortooyinka qadcanka ihi waa ka sheeko xun yihiin nidaam kasta oo kale. Dalka Sucuudiga waloow la sheego in looga dhaqmo Shareecada Islaamka misna qoyska reer Boqor waxay u gacan bannaan yihiin inay sameeyaan wixii ay doonaan.

Tumashada, kharashaadka la iskaga fataalayo ee aan la isu xisaabinin, balwadda iyo khamrada, sinada, ku xad-gudubka dadka gacantooda gala, lacago badan oo ay laaluush ama haddiyad ahaan u siyaan dad aan istaahilin iwm waxay ka mid yihiin dhaqankooda joogtada ah, sidaa darteed, waxaa la aaminsan yahay inay iyagu yihiin kuwa gacmohooda isku duminaya, maaddaama aysan isku dayin inay dadka qanciyaan jeer uusan awalba jirin sharciyad siinaysa inay dalkaa ballaaran xukumaan iyagoo hal qoys ah.

Haddaba waloow aad si wanaagsan ula socoto dhacdada beryahan saaran shaashadaha caalamka ee dilka Jamaal Khashuuqji oo ay kaaga daran tahay kulanka xoogga ah ee lala yeeshay wiilkiisa Saalax, waxaannu idiin haynaa qaar ka mid sheekooyinka foosha xun ee ay horay u sameeyeen qoyska reer boqor.

1. Khaarajintii Boqor Faisal
Sanaddii 1975-kii, Boqorkii Sucuudiga ee Faisal waxaa khaarajiyay wiil uu adeer u ahaa oo la yiraahdo Amiir Faisal Ibu Musaed. Boqor Faisal oo loo arko ninkii ugu roonaa ee soo mara xilka ay qoyskaasi iska dhaxlaan.

Boqor Faisal wuxuu ahaa nin lagu yaqaanney isbeddel-doonnimo iyo casriyayn uu doonayay inuu ku sameeyo nolosha dib u socodka ah ee ay dadka dalkaasi ku nool yihiin, wuxuu aad u taageersanaa in Islaamka la mideeyo oo ay yeeshaan moowqif siyaasadeed oo caalami ah (pan-Islamism).

Faisal bin Abdulaziz Al Saud oo dalkaasi Sucuudiga xukumayay min 1964 ilaa 1975, wuxuu noqday nin saamayn badan oo ka hoos shaqeeynayay aabihii Boqor Abdulaziz iyo walaalkii Boqor Saud, kaasoo ay xilka ku hardameen markii dambena uu xukunkii ka xoogey kaddib afgembi uu ku sameeyay, waxaana sidaa Boqor isu caleema saaray Boqor Faisal, balse waxaa isna qasriga lagu khaarajiyay 25-kii Maarso 1975-kii, isagoo ku dhintay Riyadh Medical Complex, Riyadh, Saudi Arabia.

La soco qaybta 2-aad…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media