DIB U EEGIS: Dilalka siyaasadaysan ee bahalnimada ah ee dhacay Jamaal Khashoggi ka hor

0

(Hadalsame) 16 Okt 2018 – Dilka Jamaal Khashoggi ma ahan kii ugu horreeyay ee dawladuhu si sharcidarro bahalnimo uhu dilaan muwaadin aan waxba galabsan ama mid mucaaraday amase mid si uga afkaar duwanaaday kuwa markaas xilalka hayay.

Kim Jong Nam

Feb. 2017 labo dumar ah oo u shaqaynayay sirdoonka Kim Jong Un ayaa gudaha Gegida Diyaaradaha Ee Kuala Lumpur ku dilay Kim Jong Nam oo ay walaalo kala bah ah ahaayeen Hoggaamiyaha Kooriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Alexander Litvinenko

Sannadkii 2006 Ruushka ayaa gudaha London ku sumeeyay Alexander Litvinenko oo horay u ahaa basaas Ruush ah balse dib u noqday basaas Reer Galbeed. Ruushku waa uu beeniyay.

Anwar Al Cawlaqi iyo carruurtiisii

Sannadkii 2011 Maraykanku waxa uu Pakistan ku dilay wiil 16 jir ahaa oo uu dhalay Shiikh Anwar Al Cawlaqi oo asaga labo asbuuc dilka wiilkiisa ka hor lagu dilay dalka Yaman.

Sannadkii Hore gabar 8 jir ahayd oo uu dhalay Anwar Al Cawlaqi ayaa lagu dilay weerar ay si wadajir ah u qaadeen Maraykanka iyi Imaaraadku.

Saynisyahannadii Iiraan

Sanandii 2010 iyo kuwii ka dambeeyay Maraykanka iyo Yahuuddi waxa si gooni gooni mishimo ugu dileen saynisyahanno badan oo Reer Iiraan ah kuwaas oo ka shaqaynayay barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

Waxaa Isku Duwey: Cali M Diini

Hadalsame Media