DEG DEG: Weriye Sucuudi ah oo lagu waayay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul oo la sheegay in la khaarajiyay! (Qoraallo lida oo uu ka sameeyay MBS)

0

(Istanbul) 06 Okt 2018 – Maamulka Turkiga ayaa rumaysan in joornaaliistihii Sucuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi, oo la waayay 4 maalmood kahor kaddib markii uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, la khaarajiyay.

Horraantii maanta, waxay ilo kiiska ku dhowi Al Jazeera u sheegeen in saraakiil Sucuudiyaan ah oo ka kooban 15 nin ay Turkiga yimaadeen isla maalintii la waayay Khashoggi oo 59 jir ahaa, iyagoo ku jooga 2 dayuuradood markiiba waa laabtay.

Warkan ayaa imanaya jeer ay sii laxaadsatay baarista ay samaynayaan ciidamada amaanka Turkiga oo raadinaya wacaalka ninka oo ku kacsanaa dowladda Sucuudiga warar lid ahna ka qoray MBS kuwaasoo kasoo muuqday Washington Post iyo meelo kale, waxayna tani timi kaddib markii ay Sucuudigu qiil ku filan u waayeen war ay ku sheegeen inuu ninkani Qunsuliyadda ka baxay Talaadadii.

“Xaaladda weriyaha la la’yahay, iyo tafaasiisha cidda ka dambaysa waa la shaacin doonaa,” ayuu yiri afhayeenka xisbiga xilka haya ee AK Party, Omer Celik oo hadlayay kaddib kulan uu guddoominayay madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

Xiriir xumaaday

Jimcihii, Wasaarad Dibadeedka Turkiga ayaa u yeertey danjiraha Sucuudiga u jooga safaaraddooda caasimadda Ankara oo ay arrintan wax ka waydiiyeen, iyadoo gelinkii dambe ee isla maalintaa uu Mohammed bin Salman (MBS) uu sheegay in uu Sucuudigu Turkiga u fasaxayo inay baaraan qunsuliyadda.

“Waxba qarin mayno,” ayuu MBS u sheegay warqaadka Bloomberg.

Hadalsame Media