3,000 oo askari oo lagu kordhinayo sugitaanka amaanka Muqdisho

0

(Muqdisho) 06 Okt 2018 – Kulan amniga magaalada Muqdisho ku saabsan oo ay ka qeybgaleen, Wasiir amniga, duqa Muqdisho, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, laamaha ammaanka gobolka iyo guddiga wacyigelinta iyo abaabulka kaas oo lagu go’aamiyay in 3,000 oo askari oo booliis ah lagu kordhiyo amniga magaalada Muqdisho, sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale, lagu soo bandhigay qorshaha ammaanka caasimadda, waxaana qorshaha ka mid ah xoojinta wada shaqeynta ciidanka amniga iyo shacabka gobolka Banaadir kaas oo lafdhabar u ah xaqiijinta nabad geliyada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in amniga caasimadda aan sadex kun oo askar aan wax ka qaban karin haddii aan la bedelin qaabkii horey amniga caasimadda looga shaqeyn jirey.

“3,000 ciidan keli ah ma sugi karto amniga haddii aan qaabkii hore loo shaqeyn jirey aan wax laga bedelin, waxaan aamninsanahay in haddii qaabkii hore wax laga bedelo amniga waa la sugi karaa,” ayuu yiri Tuulax.

Duqa Muqdisho, C/raxaam Cumar Cismaan, ayaa maamulada degmooyinka ku adkeeyay in ay wada shaqeynta amniga ka soo bilaabaan qeybaha bulshada ee degmooyinka.

“Isbuucii waxaan rabnaa in guddoomiyaha degmada oo la fadhiisto taliyaha saldhiga iyo mas’uuliyiinta kale lagana hadlay maxaa loo qabsoomay, waxaa naga khaldamay, waxaa qorshe ah oo noo yaalo intaas todobaad kasta laga hadlo,” ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in guddoomiyaha degmada haddii uusan wada shaqeyn dhab ah la yeelan uusan amni sugi karin.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abukar Islow Ducaale, ayaa sheegay in amniga caasimadda aan cidna lagala gorgotami doonin isla markaana isla xisaabtan dhab ah uu jiri doono.

“Laga bilaabo beri uu isla xisaabtan dhici doono, maamulka gobolka, booliiska federaalka, wasaaradda amniga in aan wax kasta la nimaadno, lana sameyn doono kormeer joogto ah,” ayuu raaciyay wasiirka oo sidoo kale sheegay in todobaad kasta uu jiri doono kulan amniga caasimadda looga hadlayo.

Hadalsame Media