FALANQAYN: Sida ay doorkoodii u gabeen dowladda dhexe & maamul-goboleedyadu!

0

(Hadalsame) 04 Okt 2018 – Kaddib dhicistii dowladdii dhexe ee Somalia, waxaa dadka Soomaaliyeed ku adkaatay inay isku raacaan nidaam dowladeed oo shaqaynaya, si loo maareeyo baahiyaha ay qabaan dadka iyo dalku.

Kaddib ku dhowaad 30-meeyo sano oo haatan laga joogo dhicistii nidaamkaas oo dhibaato badan dalka ku hayay, waxaa kasii daray kuwii beddeley ama tuuray oo keenay sheeko ku dhisan ”ka dar oo dibi dhal”.

Kaddib shirar tobaneeyo ah oo meelo badan lagu dhigay waxaa kasoo baxay dowlado KMG lagu sheegay markii dambena waa ka bexeen la yiri, balse aan wax badan oo la taaban karo ka bedelin wadcigii taagnaa xilliyadii burburka.

HADDABA MAXAA LOO KICI LA’YAHAY?

Waxaa jira dhibaatooyin u dhisaalan qaab QORI ISKU DHIIB AH, oo ay midiba tu kale nasinayso, ka billoow jabhadihii qabaliga ahaa oo qoys qoys u qaybsamay isna qatalay, ku dar wadaad qaatil ah oo sheegay inuu qodob diineed dhaqan gelinayo, balse ka daray iyo ugu dambayn wax la yiri ”maamul-goboleed”, balse u qalma maamul-hebeleed haatan u samaysan qaab dhismeed siyaasadeed oo u abaabulan inaan dalku dhaqaaqin nidaam dhexe oo isku xiranna yeelanin.

Maamul-goboleedyada ayaa u muuqda kuwo aan qaban, amaba aan fahamsanayn shaqada hor taalla oo ah mid heer maxalli ah, sida amaanka gobolkooda, fulinta iyo dhisidda kaabayaasha bulshada, shaqo abuurista, caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta degaanka iwm, balse ku maqan howlo aysan xaq u lahayn sida dhisidda Golaha Maamul-Goboleedyada oo aan ka tarjumaynin wax dan qaran ah.

KIIS NOOL

Hal kiis oo muujinaya sida ay maamul-goboleedyadu u yihiin kuwo aan diyaar u ahayn inay xalliyaan dhibaatooyinka ka jira degaannadooda waxaa ka mid ah inay markasta dowladda dhexe ku qabsadaan shaqadeeda, balse toodii ay dayacan tahay, tusaale ahaan dhanka ciidamada federaalka ee dowladda dhexe, arrimaha dibedda, kastamka, dejinta manhajka qaran ee dalka, ilaalinta xeebaha iyo xuduudaha dalka iwm waa shaqo ay leedahay dowladda dhexe, balse ay maamulladu lasoo taagan yihiin ”waa in nala kala tashadaa.”

Arrin kale oo muhim ihi waa kacdoonno ay bilaabeen dadka degaanka, gaar ahaan goobo ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle, KG iyo Jubbaland oo aysan waxba ku taageerin maamul-goboleedyadu, qaarkoodna sidaa ku fashilmeen ama dhicisoobeen kahor intii aysanba dhalanin, iyagoo aan isla markaana dowladdii u ogolayn inay gudato waajibka wadareed ee amaan ee dalka ka saaran.

EEDDA & TALA XUMADA DOWLADDA

Dowladda lafteedu kuma eed la’a arrintan, tusaale ahaan, waxaa dowladda laga doonayaa inay la timaaddo burhaan hoggaamineed oo ay si uun odayada maamullada madax furashada ku haysta uga dhaadhin karto in ugu yaraan la dhiso nidaamkii isla xisaabtamayay ee uu gobolku lahaan lahaa sida garsoorkii maxalliga ahaa iyo sharci dejintii iyadoo dhankeeda ka bilaabaysa, taasoo aan weli dhankeeda ka dhamaanin.

Waxaa kale oo ay dowladdu ku dhiirran kartaa inay u qalab qaadato howlaha ay xaqa u leedahay oo aysan ka gabbanin mas’uuliyadda saaran, sida inay la wareegto waajibaadkeeda gobollada ee aysan kaliya ku dhegin Muqdisho, iyadoo dabcan sidii wadaan xarig tabar yar ceel dheer looga saarayo wax dhiraan dhirinaysa oo aan la xafiiltamaynin nimanka xukuma maamullada oo aan u muuqanin kuwo dan ka leh silaca muddada dheer haysta shacabka, balse been ku maameelinaya, si looga furfurana ay u baahan tahay xeelad iyo xikmad ee aanu xoog soconaynin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media