DEG DEG: Ruushka oo sheegay inuu Maraykanku hub halis ku tijaabiyay dad Georgian ah + Sawirro (Dokumentiyo sir ah)

0

(Moscow) 04 Okt 2018 – Shaybaar lagu eego arrimaha la xiriira biomedics-ka oo uu Maraykanku maalgeliyo, kuna yaalla dalka Georgia ayaa iyadoo dadka loogu sheegayo in dawo la tijaabinayo lagu sameeyay daraasad ku aaddan hubka Bayolojiga, taasoo galaafatay nolosha 73 qofood, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushku.

Rugtan oo la yiraahdo Rugta Daraasadda Caafimaadka Dadwaynaha ee Richard Lugar Center for Public Health Research ayaa ku ag taallay caasimadda Georgia ee Tbilisi tan iyo Agoosto 2013.

Wasiir hore uga tirsanaa xukuumadda Georgia ayaa horay u sheegay inuu helay dokumentiyo qaab qarsoodi ah loo dusiyay oo muujinaya shaqada ay qabato xaruntani, waxaana haatan arrintaa xoojinaysa Wasaaradda Difaaca Ruushka oo sheegaysa in meeshaa lagu tijaabiyay hubka si wadareed wax u gumaada ee WMD.

Dokumentiyada ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ruushka ee uu soo gaarsiiyay Igor Giorgadze, oo ah Wasiirkii hore ee Georgian u qaabilsanaa Amaanka Qaranka, waxaa ka mid ah maaddo la yiraahdo Sovaldi, oo la sheegay in loogu tala galay dawaynta nooc Cagaarshoowga ka mid ah, waxaana soo saarta sharikadda Gilead Sciences, oo degan California, isla markaana uu hadda kahor usoo shaqeeyay Donald Rumsfeld, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maraykanka, sanaddii 1988, muddo u dhaxaysay labadii jeer ee uu usoo taliyay Pentagon-ka.

“Dokumentigu wuxuu muujinayaa natiijooyin halis ah oo kasoo baxay dadkii dawadan lagu tijaabiyay. Waxaana sii socday tijaabadii tiiyoo ay horay u dhinteen 24 qofood Diseembar 2015 oo qura, iyadoo lagu tumanayo xeerarka caalamiga ah iyo rabitaanka bukaannada, waxayna taasi u gogol xaartey inay sii dhintaan 49 qofood oo dheeraad ah,” ayuu yiri Igor Kirillov, oo ah amaanduulka Ciidamada Ruushka qaybo u xil saaran inay ciidamada ka difaacaan hubka bayolojiga, kan kiimikada iyo midka kaaha wax ku dila.

Hadalsame Media