Maxkamadda Caalamiga ah oo Maraykanka ku amartay inuu qaado cunaqabataynta Iiraan

0

(The Hague) 03 Okt 2018 – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee International Court of Justice (ICJ) ayaa Maraykanka ku amartay inuu qaado cunaqabataynta uu saaray Iiraan, gaar ahaan dhanka bini aadminnimada iyo duullimaadka rayidka.


Sida kasoo baxday Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee The Hague, wuxuu Maraykanku halis gelinayaa badbaadada dadka rayidka ah ee ku safra dayuuradaha dalkaasi Iiraan oo uu ka hor taagan yahay inay dayuuradaha Iiraan “kab iyo agab kale oo dayactir kasoo iibsadaan” dunida.

Arrintaasi ayaa xumaynaysa tayada iyo bandhigga shaqo ee dayuuradaha dalkaasi, taasoo Maraykanka loo jeediyay inuu deg deg u qaado.


Hadalsame Media