Maxaa kaga aadan ciidamada dowladda kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab?

0

(Muqdisho) 03 Oktoobar 2018 – Hoggaanka sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato kacdoonka shacabka ee ka billowday gobolka shabeelladda dhexe halkaas oo maleeshiyooyin deegaanka ah oo is-aabulay ka billaabeen dagaalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay ururka Al-Shabaab inay boob ku hayaan xoolahooda iyo sidoo kale in carruurtooda ay ka askareeyaan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dagaalo khasaare dhaliyay oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ka qarxeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelladda Dhexe halkaas oo lagu dilay sadex dagaalyahan oo shabaab ah iyo labo xubnood oo ka tirsanaa dadka deegaanka oo uu ku jiray nin Odey ah.

Taliyaha Ciidama xooga dalka Generaal Indha-Qarshe ayaa sheegay in ay xaqiiqo tahay in taliska xoogga dalka uu dareemay dhibaatada Shacabka ku qabaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in ciidanka xooga dalka ay ka faa’iideysan doonaan kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Hadalsame Media