AC Milan oo qandaraaska iyo kharashkaba u kordhinaysa Franck Kessié

0

(Milano) 02 Okt 2018 – AC Milan ayaa doonaysa in ay lugta ka xirto Franck Kessié oo ay qandaraaska u kordhinayso, kaddib bandhigga wanaagsan ee uu fasalkan ku bilaabay.

Laacibkan 21-jirka ah ee khadka dhexe ayaa sanadkii tegey ee 2017 kusoo biiray Rossoneri, balse wuxuu fasalkan durba dhaliyay 2 gool mid kalena wuu dhigay.

Kessié’s ayuu qandaraaskiisu dhacayaa 2022, balse calciomercato.com ayaa werinaya in ay Milan doonayso inay laacibka u kordhiso qandaraaska iyo mushaharka oo haatan ah €2.2m, si loo tuso muhiimaddiisa marna looga rajiimiyo kooxaha raadinaya.

Milan ayaa Kessié u aragta mid ka mid ah tiirarka mustaqbalka sida Gianluigi Donnarumma, Alessia Romagnoli iyo Patrick Cutrone iwm.

Hadalsame Media