SAWIRRO: Boqollaal qof oo ku dhintay dhul gariirka iyo sunnaamidda ku dhuftay dalka Indonesia (Wararkii ugu dambeeyay)

0

(Muqdisho) 30 Sebt 2018 – Welwelka ayaa hadda ah in tirada dhimashada ay gaari karto kumanaan qof kadib markii dhul gariir iyo dufaanta Sunaamiddu ay si ba’an ugu dhufteen dalka Indonesia halkaas oo hadda la sheegay in dadka ku dhintay gaarayaan sideed boqol iyo sodon iyo labo ruux ( 832)

 

Hay’adda Musiibooyinka dalkaasi ayaa digniin ka soo saartay in tirada dhimashadu ay sare u kici karto saacad kasta maadama saameyntu gaartay goobo dheeraad.

Dad  badan ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin dhismooyin burburay hoostooda, waxaana dhimashada ugu badan ay ka dhacday Magaalo xeebeedka Palu halkaas oo la filayo in Aas wadareed loo sameeyo dadka dhintay.

Gurmadka deg dega ayaa ku jira dadaal aan look ala harin oo ay ku doonayaan inay ku badbaadiyaan dadka ku xayiran dhismooyinka hoostooda.

Musiibadan ayaa billaabatay Jimcaddii la soo dhaafay, walina waa taagan tahay dowladda dalkaasina waxay sheegtay inay tahay mid aad u weyn.

Hadalsame Media