Wariye Tooxow oo la sii daayay

0

(Muqdisho) 30 Sebt 2018 – Ururada u dooda xaquuqda suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxabanaan ayaa cambaareeyay xukun lagu riday wariye Maxamed Cabdiwali Tooxow oo uu maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaalya ku eedeeyay warar been abuur.

Maxamed Cabdiwali Tooxow oo muddo ka badan 10 cishe xabsi ku jiray ayaa maanta la soo taagay maxkamad ciidan oo ku taala Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wariyeha ayaa waxaa loo haystay inuu tabiyay warar ku saabsan amniga gobolka gaar ahaan ururka Al-Shabaab oo ku xoogeysanaya barriga gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Waxaa lagu eedeeyay inuu tabiyay warar been abuur ah sida la sheegay, hase ahaatee ma jiro wax qareen ah oo loo qabtay wariyeha waxaana muuqatay in maxkamadda xukunka riday ay isticmaashay awood sida ay sheegayaan qaar ka mid ah warbaahinta gobolka.

Wariyahaan oo u shaqeynayay qaar ka mid ah warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Radio Kulmiye iyo Telefeshinka Universal ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ciidan ah, hase yeeshee waxaa caawa la siidaayay Wariye Tooxow sida uu sheegay Cabdifitax Xasan Faarax oo ah wariye madaxbanaan.

“Ururka Suxufiyiinta NUSOJ ayaa Caawa ku guuleystay in lasoo daayo Wariye Maxamed Cabdiwali Toxoow oo ay horey u Xireen Ciidamadda Amniga…Dadaal dheer kadib ayay arintani suurto gashay, waxaana u mahad celineynaa Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka GALMUDUG ee arintani nagala shaqeeyay”

Mahadsanidiin

Hadalsame Media