SAWIRRO: Dhul gariir sababay dhimashada 50 qof iyo burbur baahsan oo ka dhacay dalka Indonesia

0

(Muqdisho)29 Sebt 2018 – Ku dhawaad 50 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen kadib markii dhul gariir iyo dufaano xoog leh ay ku dhufteen magaalo xeebeedka Palu ee wadanka Indonesian,waxaana saraakiisha caafimaadku sheegeen in khasaaruhu intaas ka badan karo

Heerka dhul gariirkaan ayaa lagu qiyaasay  7.5 waxaana sidoo kale burbur xoog leh uu soo gaaray goobo ganacsi, dhismooyinka cibaadada iyo guryo dad rayid ah. Dhul gariirkan waxa uu dhacay shalay oo Jimco ahayd.

Muqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkay dadka oo argagax badan ka muuqdo oo hadba dhinac u cararaya, iyo sidoo kale Masaajido waxyeelo soo gaartay.

Bishii la soo dhaafay waxaa sidaan oo kale ka dhacay dalka Indonesia dhowr jeer dhul gariir kala duwan waxaana bishii Agoosto oo kaliya dhintay afar boqol iyo lixdan qof.

Hadalsame Media