GAROWE: Hawlgalo amniga lagu sugayo oo sababay dhimashada dad shacab ah (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 29 Sebt 2018 – Ciidamada amaanka Magaaladda Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa wada hawlgalo lagu sugayo amniga magaalada Garowe oo la sheegay inuu faraha ka sii baxayay maalmahaan.

Generaal Muxudiin oo ciidamo uu masuul ka yahay loo xil saaray xasilinta caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay in magaaladda ay ku bateen Muqaadaraadka iyo Maandooriyaha qamriga iyo xashiishka taasoo qeyb weyn ka qaadatay sida uu sheegay shaqaaqooyinka ka dhacaya gudaha Magaaladda.

Warbaahinta iyo dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiliyada habeenka ay adag tahay in dadku ay danahooda soo qabsadaan waxaana jidadka u gala burcad tuugo ah oo tooreeyo ku hubeysan kuwaas oo dhac iyo dhibaato u gaysta shacabka.

Hawlgaladii ugu dambeeyey ee ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Magaaladda ayaa waxaa ku dhintay Haweeney Uur leh oo rasaas wiifto ah ay hoygeeda ugu tagtay xili ciidamadu isku dhac kala kulmeen xalay koox la sheegay inay difaacayeen goobo qamriga lagu iibiyo.

ciidamada amaanka ayaa wacad ku maray inay tallaabooyin muuqda ka qaadi doonaan kooxaha maandooriyaha ku soo dabaabula Magaaladda.

Hadalsame Media