SAWIRRO: Ciidamada Xoogga dalka Belgium oo DACWAYNAYA shirkadda Google (Sabab la yaab leh!)

0

(Brusells) 28 Sebt 2018 – Ciidamada Cirka Belgian-ka ayaa qorshaynaya in ay dacwad kusoo oogaan sharikadda Google oo dhegaha ka furaysatay dalab ay direen oo ay kaga codsadeen inay caweer saaraan maabka saldhigyo ay leeyihiin ciidamada dalkaasi.

via GIPHY

 

Wasaaradda Gaashaandhigga Belgium ayaa camaaliqada tiknolojiyada horay uga codsatay inay qariyaan muuqaal khariidadeed oo kashifaya xogo xasaasi ah, marka laga eego Google Maps, balse sharikadda reer Maraykan ayaa arrintaa ka dhega adaygtay, waxayna taasi keentay inay Millaterigu haatan guddoonsadaan inay dacwo ku oogaan shirkaddaasi.

Warsidaha Sudinfo ayaa qoray in ay ciidamada dalkaasi ka cabsanayaan in muuqaallada aan caweerka la saarin ay ciddii iyaga cadow ku ah ay u sahli karto inay bartilmaameedsadaan, tusaale ahaan, goobaha maabkaasi laga arki karo waxaa ka mid ah  Kleine Brogel Air Base, oo ay adeegsadaan ciidamada cirka Maraykanka ee United States Air Force (USAF), weliba sida lasoo werinayo waxaa yaalla gantaalo sida madaxyada hubka nukliyeerka.

via GIPHY

 

Hadalsame Media