”Milan hadda koox wayn ma aha” – Gennaro Gattuso

0

– Gennaro Gattuso ayaa qirtay in AC Milan aysan aqoonin sida loo dilo ciyaartii ay 1-1 kula galeen kooxda Empoli oo aan ku dhowaad waxba ka samaynin ciyaarta.

Kooxda Rossoneri ayaa hal ciyaari u baaqatay, balse waxay 5 kulan ka keensatay 6 dhibcood oo qura iyadoo dul heehaabaysa boosaska heerka 2-aad kaddib 5 kulan.

Waxaa ugu daran ma jiro hal ciyaar oo ay Milan ku dhamaysatay iyadoo aan gool laga dhalin, iyadoo 7 dhibcood xoortay, jeer ay taagnayd boos ay kaga guulaysan kartey.

“Waxaan abuurnay fursado badan labada gelinba, kaddibna khaladkaa halista ah ayaa dhacay. Dhibku waa in aynaan ciyaaraha dilin,” ayuu Gattuso ku yiri Sky Sport Italia.

“Ma nihin koox wayn, mana hufnin. Waa inaannu kornaa, khaladaadka yaraynaa oo dadaalnaa. Haddii aannu sidan u dheelno, dhowaa ama dheeraa natiijadu way iman.” ayuu yiri Gattuso oo inay ciyaar wanaagsan dheeleen ku dooday.

Hadalsame Media