Google ma waxaa ka ”WAREERSAN” maalintii la aasaasay?!

0

(Mountain View, CA) 27 Sebt 2018 – Waa arrin dhif iyo naadir ah in magac shirkad loo adeegsado eray micne ficil ah sameynaya!.

Inteenna badan mar walba oo aan internet-ka wax ka baareyno waxaan dhahnaa wax baan ‘Google-gareyneynaa’.

Way sahlan tahay in la fahmo sababta ay Google u tahay mid ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee wax laga raadiyo – guud ahaan dunida!

Maanta waxay shirkaddu u dabaal dageysaa sannad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibbada loo taagay – laakiin dadka qaarkood waxay runtii ku jah wareersanyihiin maalinta saxda ah ee ay howlgalka billowday Google.

Inkastoo milkiileyaasheedu maanta ay xusayaan dhalashada shirkadooda, waxaa markii ugu horreysay la diiwaan galiyay 4-tii bishii Sebteembar ee sannadkii 1998-kii.

Hase ahaatee adeegga ku saabsan in wax laga baari karo google waxaa la billaabay ku dhawaad hal sano ka hor wakhtigaas oo ahayd 15-kii bishii Sebteembar e sannadkii 1997-kii!

Qoraal la soo dhigay Google dhexdiisa ayaa lagu yiri “Wakhtiga saxda ah ee shirkadda la aasaasay wali muran ayaa ku jira, xitaa kuweenna ka howl gala adeegga su’aalaha laga jawaabo ayaa ka doodaya. Adeegga Google Inc. waxaa la hirgaliyay 4-tii bishii Sebteembar, balse in ka badan toban sano ka dib waxaan sannad guuradeenna u dabaal degnay 27-kii Sebteembar”.

Shirkaddan baaxadda leh ee dhinaca tignoolojiyadda oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa waxaa isla aasaasay saynisyahannada kumbuyuutarka ee lagu kala magacaabo Sergey Brin iyo Larry Page.

BBC

Hadalsame Media